October 7, 2025

Maamulka Jubbaland “Amarka lagu weeraray Beledxaawo waxaa bixiyay MW Xasan Sheekh”

Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray dagaalka maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo, waxaa ayna sheegtay in amarka lagu weeraray maanta magaalada Beledxaawo inuu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, taasoo Jubbaland ku tilmaantay mid ka dhan ah dadaallada nabadda.

Jubbaland waxay cambaareysay falkan, iyadoo sheegtay in ciidamada Jubbaland iyo shacabka deegaanka ay iska difaaceen weerarka ayna hadda gacanta ku hayaan ammaanka magaalada.

Sidoo kale, Jubbaland waxay digniin u dirtay dowladda Federaalka, iyadoo sheegtay in falalka noocan oo kale ah ay halis ku yihiin xasiloonida shacabka.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*