December 15, 2025

Maamulka Jubaland oo shaacisay xiliga rasmi ahaan uu shirka mucaaradka ka furmayo Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah u cadaysay in Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu Kismaayo kafurmi doono 18-ka bishan, galabnimada Khamiista. Ergada shirka ayaa safaradooda bilaabaya talaadada berrito ah, waxaa laga tagayaa Muqdisho, Garowe iyo Nairobi.

Sida ay sheegeen Gudiga qabanqaabada shirka ayaa ku howlan hoteelada martida ladejinayo, amniga magaalada iyo diyaarinta gaadiidka martida. Wafdi boqol qof ka badan ayaa la filayaa inay magaalada taggaan ilaa duhurnimada Khamiista.

Shirkan oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa hadda la xaqiijiyey qabsoomidiisa. Beesha caalamka iyo daneeyayaasha Arrimaha Soomaaliya ayaa shirkan isha ku haya, xili mudo-xileedka dowladana uu dhamaad kudhow yahay, aysana jirin heshiis siyaasadeed oo cadaynaya jahada uu dalka aadayo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*