October 7, 2025

Maamulka Hargeeysa Oo Ka Hor Yimid Safarka R/Wasaare Xamza

Maamulka Somaliland ayaa mar kale si adag uga falceliyey wararka sheegaya in Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu damacsan yahay inuu booqdo magaalada Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu wato fitno iyo qorshe aan ku salaysnayn Soomaalinimo”, isla markaana Somaliland ay kaga hortagi doonto qorshihiisa iyadoo adeegsanaysa xoog iyo xeelad.

“Xamsow waxaad Laascaanood u timaadaa waa inaad xaabo ka dhigato Dadka Reer Laascaanood, oo Doorasho cusub oo dhiig Soomaali ku daato halkaa ka abuurto” ayuu yiri Wasiirka

Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqday Beesha Caalamka iyo waddamada dariska in ay garowsadaan in talaabooyinka Ra’iisal Wasaaraha aysan ka tarjumaynin dan guud oo Soomaaliyeed, balse ay xoojinayaan kala-qaybsanaanta bulshada.

“Raisal Wasaarihii kaa horeeyey waxa uu ka diiday Madaxweynihii magacaabay ayaad ku dadaalaysaa inaad fuliso, taas oo keenaysa damiir xumo shakhsiyeed oo la xiriira hogaamintaada” ayuu intaas ku daray wasiirka.

Raisul wasaaraha Somalia ayaa dhowaan sheegay inuu booqasho ku tagayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo Somaliland ay sheegato iney tahay qeyb dhulkeeda ka mid ah, waxaase halkaas ka jira maamul diidan Somaliland oo taageersan midnimada Somalia & DF.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Somaliland ayaa isku arka in ay ka wakiil ka yihiin bulshada la dagan balse waxa ay maamulaan labada Gobol ee Hargeeysa Iyo Burco wana Ururkii SNM.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*