
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu shaacinayay natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025, kaas oo ay sanadkan u fariisteen 41,076 arday oo wax ka barta dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Muungaab ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardayda ka gudubtay imtixaanka, gaar ahaan gabdhaha ku guuleystay kaalmaha ugu sarreeya ee gobolka, waxaana uu hadiyad ama abaalmarin ahaan uu u guddoonsiiyay Dahab taa oo ay waalidiinta Ardeydaan ay si weyn usoo dhoweeyeen.
Waxaana Kaalinta 1-aad gashay Sakiyo Cabdullaahi Cali Iimaan oo wax kabarata Dugsiga Amiir Nuur, ee Degmada Warta Nabadda, Kaalinta 2-aad waxaa gashay Sahro Axmed Cali Maxamed oo kamid ah ardeyda Dugsiga Giirre ee Degmada Dharkenley iyadoona Kaalinta 3-aad ay ku guuleysatay Maymuun Ramadaan Cali Cumar oo wax kabarata Dugsiga Imamu Zaylici, ee kuyaala Degmada Yaaqshiid.
Sidoo kale, Guddoomiye Muungaab ayaa hambalyo iyo mahadcelin u diray waalidiinta, macalimiinta, Agaasinka Waxbarashada, iyo dhammaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka ka qeyb qaatay sidii uu imtixaanka shahaadiga ahaa si nabad ah iyo guul leh ku dhammaan lahaa.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay tayeynta waxbarashada, dhisidda iyo ballaarinta xarumaha waxbarasho, si ubadka gobolka u helaan waxbarasho tayo leh oo bilaash ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag