November 3, 2025

Maamulka gobolka Banaadir Oo kormeeray mashaariicda dhismaha waddooyinka caasimadda

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeeno  iyo mas’uuliyiin kale, ayaa maanta kormeeray mashaariicda dhismaha waddooyinka caasimadda sida, mashruuca dhismaha wadada Dabka, oo ay ka mid yihiin buundooyin cusub, biyo-mareeno casri ah, iyo nidaamyo bullaacado oo waara.

Kormeerka ayaa waxaa lagu booqday sidoo kale Warta Siigaale, oo ah biyo-qabadka ugu weyn ee magaalada Muqdisho, iyo wadada 26-ka June, oo loo yaqaan “Shaqaalaha”, kuwaasoo labadaba ay ka socdaan dhismaha waddooyinka iyo buundooyinka casriga ah.

Intaas waxaa dheer, Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kormeeray wadada dheer ee isku xirta degmada Kaxda ilaa Gobolka Shabeellada Hoose, oo sidoo kale dhismo laami uu ka socda.

Injinneerada Shirkadaha maamulaya dhismaha waddooyinka, biyo-mareennada iyo buundoonyinka, ayaa warbixin rasmi ah oo ku saabsan horumarka shaqada la wadaagay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Ujeeddada socdaalka ayaa ahayd hubinta hannaanka dhismaha, xaqiijinta waddooyin waara, tayo sare leh, isla markaana leh biyo-mareeno iyo nidaamyo bullaacado casri ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaa ka go’an in mashaariicda dhismaha waddooyinka ay ka tarjumaan yoolka maamulka ee horumarinta kaabayaasha magaalada iyo hagaajinta tayada nolosha shacabka Muqdisho.

 

     

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*