October 7, 2025

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Koofur Galbeed oo howlgallo ka fuliyay gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa howlgal deegaanno ka tirsan gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgallada ay si gaar ah uga fuliyeen tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka, kuwaas oo hoos yimaada deegaanka Deynuunay, gobolka Baay.

Dhanka kale Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo Taliyaha Daraawiishta Burjaad G/le Awul Ibraahim Cabdullaahi ayaa sheegay in ay weerareen xarruumo ay weerarada ka soo qaadi jireen AS.

Sidoo kale, waxaa ay tilmaameen Saraakiisha in ciidanka ay sii wadi doonaan howlgalgallada ka dhanka ah AS ee ka socda deegaannada gobolka Baay.

Maalmihii la soo dhaafay ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan deegaannada Koofur Galbeed, si loo xaqiiniyo Amniga.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*