Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar ku tegaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya, William Ruto. Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadli doonaa arrimo muhiim ah oo khuseeya amniga gobolka, xiriirka labada dal, iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

labada madaxweyne ka wadahadli doona faragelinta Israa’iil ee arrimaha Soomaaliya iyo aqoonsiga beenta ah ee Somaliland.
Kenya ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga ma hadlin aqoonsiga Somaliland, waxaana la filayaa in kulankaan uu noqdo mid lagu adkeyn doono mowqifka dowladda Soomaaliya ee arrintaas.
labada dhinac ayaa ka wadahadli doonaan arrimaha amniga Geeska Afrika, la dagaalanka Al-Shabaab, iyo arrimaha Badda Cas. Waxaa la filayaa in Kenya lagu qasbo in ay taageerto dowladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta ka hortagga taageerada Yuhuudda ee Somaliland, maadaama ciidamo badan oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM ay ka joogaan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya inuu safar ku tago dalalka kale ee gobolka Geeska Afrika, iyadoo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta aqoonsiga Somaliland.
Safarkaan ayaa imaanaya xilli ay Somaliland usbuucii hore heshay aqoonsigii ugu horreeyay, taas oo walaac ka abuuray Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee taageera Midnimada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Safarka Xasan Sheekh ayaa noqonaya mid muhiim ah iyadoo dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay xoojiso taageerada ay ka helayso wadamada gobolka iyo caalamka, si looga hortago arrimaha amniga iyo aqoonsiga Somaliland. Waxaa la filayaa in kulamadaasi ay noqon doonaan kuwo lagu adkeyn doono mowqifka Soomaaliya ee gobolka Geeska Afrika.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag