
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa hoggaanka sare Macawiisleyda Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaannada Hareeri Madoobe, Xaawa Gadiid iyo Ceel Dhururuq ka dalbaday dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AlShabaab’ ee deegaannadaas.

Madaxweyne Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in isku xirka howlgallada socda ay yihiin kuwo muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dadka Deegaanka isaga kaashanayaan sidii looga gungaari lahaa howlgalladaas ujeedka laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay.
Mr Yusuf Dabageed ayaa bogaadiyay howlgallada kale ee ka socda deegaannada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxa uu kaalinta Macawiisleyda ku tilmaamay mid muuqata sidaas awgeed loo baahan yahay in lasii wado howlgallada oo deegaanno kooban ka dhiman yihiin sida uu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedkaas.
Qaar kamid ah hoggaanka Macawiisleyda deegaannada Hareeri Madoobe, Xaawa Gadiid iyo Ceel Dhururuq ayaa dhankooda sheegay in ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle uga baahan yihiin garab istaag buuxa si ay u helaan saanadda ay u baahan yihiin maadaama ay aqoon buuxda u leeyihiin dhulka ay ka howlgalayaan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag