Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa markale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka khilaafka kala dhexeeya ee ka taagan dhanka Dastuurka iyo doorashooyinka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu burburinayo Dastuurka heshiiska lagu wada yahay, si uu u meel marsado danihiisa gaarka ah.
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in hanaanka kaliya ee wax looga badali karo Dastuurka uu yahay heshiis bulsho, waxuuna xusay ineysan suuragal aheyn in la badalo Dastuurka heshiiska lagu wada yahay.
“Xasan waa walaalkey waa soo wada shaqeynay, laakin xumaan kuma taageerayo in la fahma la rabaa munkar ka weyn ma jiro Ummad Dastuur ay ku heshiisay in la tuuro, haddii wax laga badalaayo heshiis ayaa looga bedalaa” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
Wuxuu sidoo kale sheegay Shariif Sheekh Axmed in dalka uu u baahan yahay badbaado, islamarkaana qof walba oo Soomaali ah looga baahan yahay inuu u istaago sidii loo hormarin lahaa dowladnimada
“35 sano kadib qofka ku fakiraayo inuu isagu bedasho Dastuurka ee haddane adiga ku yiraahdo aamus waa lunsan yahay, dalka in la badbaadiyo, ummaddaana la mideeyo waa wax qof walba oo Soomaali ah laga rabo” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Hadalkaan kasoo yeeray Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadayo, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda culus oo ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan dowladda Fedaraalka, siyaasoyiinta Mucaaradka ah iyo madaxda maamulada Jubbland iyo Puntland.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag