October 7, 2025

M/Weeyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Midowga Yurub iyo Nederland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.

Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey in ay ka mid noqdeen diblumaaaiyiinta ka howl-gala Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay wadashaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale , Danjireyaashan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*