Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal kulul ka soo saaray ficillada ugu dambeeyay ee uu qaaday R/Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, isagoo ku tilmaamay tillaabo aan marnaba la aqbali karin.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in falkaasi uu yahay mid si cad uga horimaanaya qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah, isla markaana uu u dhigmo duullaan qaawan oo lagu soo qaaday madax-bannaanida iyo qarannimada dalka.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Cirro uga digay inuu Shacabka gobollada Waqooyi u jeexo waddo khaldan. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay dhulkooda ka difaacdaan Yuhuudda.
“Tillaabo kasta ayaan qaadeyna si aan u ilaalino midnimadeena” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag