October 7, 2025

M/Weeyne Xasan Sheekh oo sheegay in DFS ay wado baaris ku aadan dilkii loo geystay Talihii Guutada 14 Oktoober

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, Ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha  u naxariistee, Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Taliye Nuur Farey uu ahaa halgamaa daacad ah oo nolol iyo nafba u huray difaaca Qaranka iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaan shuhadada Ciidamada. Sida lagu qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay wado baaritaan dhameystiran oo ku saabsan weerarkan argagixisanimo, waxa uuna adkeeyey go’aanka adag ee dowladda ee ku saabsan in la sii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee cadawga ku ah nabadda iyo xasilloonida dalkeenna.

Madaxda ugu sarreysa dalka iyo madaxdii hore ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dilkii maanta loo geystay Taliyihii guutada 14 Oktoobar ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey).

Taliye Nuur Farey ayaa la sheegay in uu dilkiisa ka dambeeyey rasaas uu furay qof ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda, xilli uu kasoo baxayey goob uu ka daganaa deegaankaas. Cadow-dibiley oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Laanta Buuro.

Marxuum Nuur Farey ayaa hoggaaminayay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab oo mudooyinkii u dambeeyay ka socday gobolka Shabeellaha Hoose.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*