October 7, 2025

M/Weeyne Xasan Sheekh oo shacabka ugu hambalyeeyay Farxada Ciidul Adxaa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa munaasabadda Ciidda uga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo hambalyada munaasabadda ciidul Adxaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweyne Xasan waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay iney garab istagaan walaalahooda kale ee danyarta ah ee aan awoodin iney ka qeyb qaataan munaasabadda maalintaan farxada badan ee Ciidul Adxaa.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*