January 16, 2026

M/Weeyne Xasan Sheekh Oo Maanta tagay Laascaanood Iyo Soo dhaweeyn Ka dhacday

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay oo muddo ka badan 60 sanno gaaray magaalada Laascaanood , ee caasimadda Waqooyi Bari, iyadoo sidoo kale uu horey halkaasi u gaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo badi golihiisa wasiirada ee xukuumadda.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa la ciir-ciiraysa wufuud isugu jirta madax ka socota dowladda federaalka ah, madax dhaqameed iyo dadyow kale oo dhamaantood ka qayb galaya xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.

Madaxweyne Firdhiye ayaa la doortay shan bilood ka hor, waxaana muddo la sugayay tagitaanka madaxweyne Xasan ee Laascaanood.

Dhanka kale Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo bandow lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo shacabla ee magaalada Laascaanood.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*