October 7, 2025

M/Weeyne Xasan Sheekh oo gogol wadashi isugu yeeray hoggaamiyeyaasha Siyaasada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaalya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed  ugu hambalyeeyay maalinta koobaad ee bisha Shawaal ee Ciidul Fidriga.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa si gaar ah uga dardaarmay in il gaar ah lagu eego walaalaha Soomaaliyeed kasoo barakacay abaaraha iyo musiibooyinka kale eek u duruufeysan magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay ciribtirka maleeshiyaadka Al-shabaab, isagoona hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed isugu yeeray gogol wadashi oo looga hadli doono xaalada dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu soo dhaweeyay aragtida iyo talooyinka ay soo jeediyeen, kaasi oo ku aadan in la dhageysto talooyinka ay qabaan, waxaa uuna isugu yeeray hoggaamiyeyaasha Siyaasada, ururada bulshada rayidka iyo dadka waxgaradka ah

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*