
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.
Dowladda jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana degmooyin kamid ah gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ku howlgalla Magaca howlgalka Cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag