October 7, 2025

M/Weeyne Laftagareen”Waan Bogaadinayaa dhismaha lagu sameynayo Terminaalka Garoonka Shaati gaduud” cusub ee Garoonka Shaati Gaduud

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kormeeray Terminaalka cusub ee Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Madaxweeyne Laftagareen Oo ay  la socday mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed,  ayaa  si wadajir ah ula kulmeen Injineerrada shaqada gacanta ka haya Garoonka Shatigaduud  iyo guddiga sida gaar ah uga shaqeynaya dhismahaan cusub ee Terminalka.

Sidoo kale Waxa uu Warbixin  ka dhageystay guddiga dhisaya terminaalka,

Dhanka kale Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray Shaati Gaduud maadaama si joogta ah ay u caga dhigtaan diyaaradaha taga Xarunta Gobolka Baay.

Ugu danbeeyntii  Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku bogaadiyay in la kordhiyo howshaan oo sare u qaadeysa bilicda iyo adeegga Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud.

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray Shaati Gaduud maadaama si joogta ah ay u caga dhigtaan diyaaradaha taga Xarunta Gobolka Baay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*