
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee diidmada ka qeybgalka madashii siyaasadeed ee ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mdaxweeyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland uga hartay madashaasi in ay ahayd goob si toos ah loogu burburinayay Jubbaland, taasoo uu ku tilmaamay qorshe lagu wiiqayo maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee xoriyada iyo madax-bannaanida leh.
Madaxweynaha Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhisay urur cusub oo siyaasadeed, iyadoo ay garab taagan yihiin madaxda maamul-goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed. Wuxuu ku tilmaamay ururkaas “dadcunimo siyaasadeed” oo halis gelinaysa midnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay waddadii dhismaha dowladnimada ay ka weecatay, isla markaana loo baahan yahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu muujiyo garasho siyaasadeed si dalka looga badbaadiyo burbur siyaasadeed iyo jahawareer hor leh.
Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u muujiyay walaac ballaaran oo ku aaddan isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka socda, waxayna dalbadeen wada hadal qaran oo loo dhan yahay, si loo dejiyo khilaafaadka taagan.
Si kastaba ha ahaate Madaxweeyne Saciid Deni ayaa iska dhigaya Nin u doodaya Maamulka Jubbaland waxa uu ahaa nin ka soo horjeda in mamulka SSC Khaatumo la aqoonsado asigoo warbaahinta iyo meelo kale ka colaadiyay aqoonsiga ay heleen SSC Khaatumo
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag