
Madaxweynaha Mareykanka ayaa caasimadda Sucuudiga Riyaad kula kulmay Madaxweeynaha Suuriya Axmed Sharac, ka dib markii dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ka shaqeeyay is aragga labada dhinac.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya saacado yar ka dib markii Madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay inuu dalka Suuriya ka qaaday cunaqateyntii muddada dheer saarnayd, waxayna warbaahintu warinaysaa inuu Trump Xukuumadda Dimishiq ka dalbaday inay ku biirto Barnaamijka Abraham accord ee lagu caadiyaynayo xariirka maamulka Israa’iil iyo dalalka Carabta.
Sidoo kale war ay qortay wakaaladda Reuters ayaa sheegaya inuu Madaxweeyne Trump uu Axmed Sharac ka dalbaday inuu dalka Suuriya ka musaafiriyo madaxda dhaqdhaqaaqyada wax iska caabinta falastiiniyiinta oo uu ku tilmaamay kooxo argagixiso ah. Hase ahaate lama sheegin in uu ka aqbalay Iyo In kale .
Si kastaba ha ahaatee Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan magaalada Dimishiq lagu xiray laba hoggaamiye oo ka tirsan masuuliyiinta ururka Xamaas iyo xoogagga Saraya Al-Qudus, kuwaas oo markii dembe la sii daayay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag