
Kal Fadhiga Baarlamaanka golaha shacabka ee BFS ayaa maanta ku bilowday buuq iyo saxawan, iyadoona xildhibaanada ay jebiyeen makaroonkii baarlamaanka, waxaana la soo xiray kulanka, kadib buuq dartiisa.
Buuqa iyo fowdada Hareeyay fadhigii Golaha Shacabka ayaa yimid kadib Markii Guddoonka Baarlamaanka uu keenay ajende ku saabsan in loo codeeyo xilka uu waayay xildhibaan C/llaahi Xaashi Abiib, waxayna tobaneeyo xildhibaanno Mucaarad ah jebiyeen Makarofoonkii xarunta Baarlamaanka, iyagoo hor istaagay inuu furmo fadhiga, kuna dooday inay wadaan Mooshin.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay inuu kulankii maanta dib u dhigay.
Xildhibaanada diidan talaabada uu qaaday Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir qabtay, waxaa ayna weerar afka ah ku qaadeen guddoomiyaha golaha shacabka.
Si kastaba ha ahaatee waxaa nasiib daro in masuul dalka matalo in uu jajebiyo Hanti uu asiga wax ka leeyahay taasi waxa ay ku tusinaysaa in uusan aheen mid diyaarsan oo wali jaahil ah
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag