January 15, 2026

Ku dhawaad 10 Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Dilay Howlgal Laga Fuliyay G/Jubbada Hoose

 Ciidamada Kumaandooska Danab oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan Guutada Birjeex ayaa howlgalo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. 

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalo qorsheysanaa ka fuliyay dhowr goobood oo ku yaala galbeedka deegaanka Buula Xaaji iyo tuulooyinka kala ah Aaga Wadajir, Xaliimo Cadey, Boqoqaha, Karas Kukiye iyo Hajini.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay in howlgaladaasi lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay godad ay dhulka hoostiisa ka qoteen.

“Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa ku dilay in ka badan 12 dhagar-qabe, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay godad ay dhulka hoostiisa ka qoteen balse galaaftay noloshoodi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Jubbaland. 

Sidoo kale ciidamadu Waxa ay howlgalada ku fashiliyeen miinooyin dhowr ah oo kooxdu ku aaseen wadooyinka isku xira deegaanada howlgalada laga fuliyay oo dhamaantood hoostaga magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolada Jubooyinka iyo labada Shabeelle.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*