October 26, 2025

Kooxo Hubeysan Oo Dad Shacab ah Ku Dilay Degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Sida ay wararka sheegayaan Maleeshiyaad hubeysan ayaa Maanta  dad shacab ah ku dilay tuulada Aw Gaduud oo hoos timaada degmada Wanla Weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida  uu sheegay Xildhibaan Qaasim Maxamed Abuukar oo ka mid ah Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Dad Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka lagu dilay afar qof oo beeraley ah, halka tiro kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadkii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana ay si buuxda uga dhuunteen deegaanka, taasoo ciidamada ammaanka ay hadda wadaan howlgal ballaaran oo lagu raadinayo.

Sidoo kale  Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidan ka amar qaata Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ay falkaasi geysteen.

Dhanka kale  warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay xiisad ka dhalatay weerarkan, iyadoo beelaha deegaanka ay isu abaabulayaan, taas oo cabsi gelisay dadka rayidka ah ee ku nool nawaaxiga Wanla Weyn.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo xiisadda iyo in la qaado tallaabo adag oo lagaga hortagayo falalka aargoosiga ah ee sii hurin kara colaadda deegaanka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*