
Howlwadeenno Ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyinka ka dhanka ah shaqalaheeda ku sugan Magaalada Gaza

Walaaca ayaa yimid kaddib markii Militariga Israa’iil ay kordhiyeen weerarrada ay ka geysanayaan Magaaladaas Gaza
In kabadan 16 qof oo ay ku jiraan howlwadeenno katirsan Qaramada Midoobay ayaa ku dhintay duqeymo aan kala joogsi lahayn oo Ciidanka Israa’iil ay ku beegsadeen Magaalada Gaza sida ay ku xog-warrameen goobjoogayaal la hadlay Tv-ga Aljazeera.
Sidoo kale dadka ay dhibaatada u geysatay Israa’iil waxaa kamid ah shaqaale caafimaad oo si samafal ah uga shaqeynayay Magaalada Gaza si ay u daweeyaan dadka macluusha adag wajahaya ee aan loo heli Karin gargaar ku filan. waana arrin aad u weeyn waxa ay ku dhaqmayaan ciidanka Israail.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag