October 7, 2025

Kheyre oo M/Weeyni Xasan Sheekh ku eedeeyay in Ciidanka DF uu adeegsanayo laynta Shacabka

War qoraal ah oo ka soo baxay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa uu si adag ugu cambaareeyay weerar maanta ciidanka dowladda ku qaadeen garoonka Horseed ee degmada Hodan, halkaas oo ciidanka dowladda doonayeen in ay shacabka ka saaraan guryahooda.

”Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka ay maanta dowladdu ku qaadday qoysaska danyarta ah ee ku nool garoonka ay Kooxda Horseed ee Ciidamada Qalabka-sida ku lahayd degmada Hodan. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, una boogadhayo intii ku dhaawacantay” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale kheyre ayaa intaasi ku daray qoraalkiisa ”Waxaa ayaandarro ah in Ciidankii Qaranka ee loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada shacabka uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh u isticmaalayo laynta shacabka iyo barakicinta danyarta. Waxaan mar kale ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu degdeg u joojiyo boobka dhulka dantaguud, gumaadka shacabka, iyo barakicinta dadweynaha danyarta ah” ayuu yiri Kheyre.

Weerarka ciidanka dowladda saakay ku qaadeen garoonka Horseed, ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka dagaalamayay iyo dad shacab ah.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*