October 7, 2025

Kenya oo Soomaaliya ka reebtay qorshaheeda fiiso la’aanta muwadiiniinta Afrika

Dowlada  Kenya ayaa sheegtay in ay ka qaaday shuruudihii fiisaha ee dalal badan oo ka tirsan Afrika iyo Karibiyaanka, hase yeeshee ay Soomaaliya iyo Libya si gaar ah uga reebtay qorshahan, sababo la xiriira walaacyo dhanka amniga ah.

Go’aankan cusub ayaa micnaheedu yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed aanay weli heli karin Visaha Tooska ah ee  dal ku galka  ee Kenya.

Hase ahaatee waxa ay sii  buuxin Doonaan foomam dhaadheer, Iyo bixin kharashka fiisaha ee  Ogolaanshaha Safarka Elektarooniga ah (ETA),

Sida ay sheegtay dowladda Kenya, muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ka imaanaya dalalka u qalma waxay hadda si fudud uga degi karaan xadka Kenya iyaga oo aan la kulmayn caqabadaha sharciyeed ee hore u jiray. Waxaana loo oggolaan doonaa inay joogaan dalka muddo laba bilood ah, halka muwaadiniinta Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay sii wadanayaan muddadii lixda bilood ee horey loogu oggoladay.

Golaha Wasiirrada Kenya ayaa sheegay in arrintani qayb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo isdhexgalka gobolka, laguna kobcinayo waaxda dalxiiska, iyada oo la adeegsanayo siyaasadda cirka furan.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in fududeynta gelitaanka ay muhiim u tahay horumarinta xiriirka waddamada Afrika, loogana gol leeyahay in la fududeeyo safarada xuduudaha gudahooda.

Warqad rasmi ah oo dowladda Kenya soo saartay bishii Janaayo 2025 ayaa muujisay in Soomaaliya iyo Libya laga saaray liiska dalalka laga dhaafay ETA-da, taasoo ah qeyb ka mid ah istaraatiijiyadda Kenya ee lagu hagaajinayo waayo-aragnimada socdaalka.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*