October 7, 2025

Israel Oo sheegatay in ay duqeymo ku burburisay madaxtooyada Sanca ee Dalka Yaman

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarrada cirka ee Israa’iil ku qaaday Sanca ay ku burburiyeen qasriga madaxtooyada ee magaalada Sanca, iyo sidoo kale xarunta korontada.

Wuxuu ku adkaystay in kooxda oo ay taageerto Iiraan “ay hadda bixinayso dadaal culus oo ku saabsan weerarradii ay ku qaadi laheed Israa’iil.”

Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in la beegsaday goobo ku yaalla caasimadda Yemen, waxaana bayaan ay warbaahinta Reuters baahisay lagu sheegay in la bartilmaameedsaday xarumo ay ka mid yihiin qasriga madaxtooyada oo ku dhex yaalla xarun ciidan, laba xarumood oo koronto, iyo goob kaydka shidaalka ah.

Wakaaladda wararka Yemen ee Saba ayaa horey u sheegtay in laba qof ay dhinteen, shan kalena ay dhaawacmeen, taasoo ahayd tirada khasaare hordhac ah oo ka dhashay weerarkii Israa’iil ku qaaday xarunta Shirkadda Shidaalka Yemen ee ku taalla waddada 60-aad ee koonfur-galbeed Sanca.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*