October 7, 2025

Israa’iil Oo Weerar Ku Qaadday Xuutiyiinta Yemen Iyo Xuutiyiinta ……………..

Sida ay sheegeen warbaahinta Israa’iil ayaa weerar duqeymo ah ka geysatay saddex dekadood iyo xarun koronto oo ku taalla dalka Yemen oo ay Xuutiyiintu maamulaan.

Weerarrada lagu qaaday dekedaha Xudeydah, Ras Isa iyo Saif ayaa yimid wax yar kadib markii militariga Israa’iil ay ku boorriyeen dadka rayidka ah ee ku sugan aagaggaas in ay isaga guuraan, iyagoo ka digay duqeymo xagga cirka ah.

Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa baraha bulshada ku xaqiijiyay in bartilmaameedyada uu ku jiro markabka ganacsiga ee Galaxy Leader. Markabkan oo ay kooxda fallaagada afduubatay sanadkii 2023-kii, ayaa waxaa loo adeegsan jiray in lagula socdo maraakiibta mara biyaha caalamiga ah, ayay Israa’iil sheegtay.

Duqeymaha kadib, militariga Israa’iil ayaa sheegay in labo gantaal laga soo tuuray Yemen,  Dhanka kale Xuutiyiinta ayaan wali ka bixin wax jawaab ah balse waxaa laga sugayaa jawaabta ay bixin doonaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*