October 7, 2025

Israa’iil oo ku dhawaaqday hay’ad gaar ah oo u qaabilsan barakicinta dadka reer Qasa

Palestinians gather around the bodies of the victims of Israeli overnight airstrikes in the northern Gaza Strip, in front of the Indonesian Hospital in Beit Lahia on March 20, 2025. Israel bombarded Gaza and pressed its ground operations on March 20, after issuing what it called a "last warning" for Palestinians to return hostages and remove Hamas from power. Photo by Omar Ashtawy apaimages

Israa’iil oo ku dhawaaqday hay’ad gaar ah oo u qaabilsan barakicinta dadka reer Qasa

Maamulka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inuu dhisayo hay’ad gaar ah oo ka shaqayn doonta barakicinta dadka ku nool marinka Qasa, kuwaas oo la doonayo in dalal kale loo musaafiriyo, dhulkoodana xoog lagu qaato.

Afhayeen u hadashay ra’iisul wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijisay in hay’addan la dhisayo ka dib markii golaha ammaanka ee Israa’iil ay ansixiyeen qorshe uu soo bandhigay wasiirka gaashaandhigga maamulkaas Israel Katz.

Dowlaha carab oo ay kamid tahay Masar ayaa durbadiiba cambaareeyay ku dhawaaqista Israel ee hay’addan, waxayna sheegeen inuu lama-taabtaan yahay dhulka dadka falastiiniyiinta gaar ahaan Qasa, ayagoo beesha caalamka iyo golaha ammaanka ugu baaqay inay mowqif adag ka qaataan xadgudubyada iyo daandaansiga Israa’iil.

Israa’iil ayaa taageero xooggan oo ku aaddan gumaadka iyo barakicinta dadka reer Qasa ka helaysa maamulka Trump, waxayna laba dhinac dunida ka baadi-goobayaan dal oggolaada in dhulkiisa qasab loogu raro Falastiiniyiinta.

Waa dulmi aad u weeyn umad dhan ayaa dhulkeedii laga xoogayaa balse ma dhaceeyso hadii uu ilaahay idmo

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*