October 7, 2025

Iran oo heshay dukumeenti xasaasi ah oo Nukliyeerka Israel ah

Sida uu baahiyay Telefishinka qaranka Iran  ayaa sheegay in Iran ay heshay dukumeenti xasaasi ah oo Nukliyeerka Israel ah iyada oo loo marayo “weero sirdoon oo ballaaran”. Warbixintu ma aysan bixin macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan sida Iran ay ku heshay dukumentiyada.

Warkan oo si kooban looga baahiyay TV-ga qaranka ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonka Iran ay heleen xogo istaraatiiji ah oo xasaasi ah iyo dukumeentiyo ay ku jiraan kumanaan qoraal oo la xiriira mashaariicda iyo xarumaha Nukliyeerka ee ay Israel leedahay.

Hase ahaatee Israa’iil ayaan weli ka hadlin sheegashada Iran.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Iran ee Tasnim, wasiirka sirdoonka Iran Hojatoleslam Seyyed Esmail Khatib ayaa sheegay in dukumentiyada Nukliyeerka ee Israel lagu wareejiyay Iran.

XigashoL-BBC

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*