
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay saameyn dhaqaale baaxad leh ku yeelan karaan cashuuraha uu dunida ku soo rogay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, balse waxay UK xaqiijiyay in aysan dhankeeda canshuuro aargoosi ah ku soo rogu doonin Washington.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Kier Starmer oo arrintan ka hadlay ayaa yiri “Waxaan ka xumahay cashuuraha nalagu soo rogay, mana aaminsani inay u wanaagsan tahay dhaqaalaheena iyo dhaqaalaha caalamka toona”.
Starmer ayaa intaas ku daray “Waa in aynaan sameyn cashuuraha kastamka oo aargoosi ah, waa in aan ka warsugnaa xalada isbedelka ah”.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan inta badan dalalka dunida ku soo rogay canshuuraha aad u badan, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay xittaa dhaqaalaha Mareykanka, ayadoo taasi ay sababtay bannaanbaxyo iyo kala qeybsanaan bulsho oo gudaha ah.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag