October 7, 2025

In Ka Badan 2 Milyan Oo Muslimiin ah Oo Maanta taagan Banka Carafo.

Waxaa maanta lagu Jiraa Maalintii labaad ee Acmaasha Xajka ayadoo la qiyaasayo In ka badan 2 milyan oo xujey ah ayaa maanta isugu yimid Banka Carafo ee dhulka barakaysan ee Makkaha Sacuudi Carabiya – taasoo ka mid ah rukniyada ugu weyn ee Xajka, islamarkaana ah maalinta ugu fadliga badan ee sannadka muslimiinta.

Maalinta Carafo, oo ah 9-ka Dul-Xijjah, Waa maalin si gaar ah looga rajeeyo dembi dhaaf iyo toobad keen.

Sidoo kale Xujeydu waxay taagnaanayaan Banka Carafo laga bilaabo duhur ilaa qorrax dhaca, ayadoo ay Halkaasi ku sugnaanayo saacado kooban waxaana ay alle ka  baryayaan  denbi dhaaf iyo in uu ka aqbalo acmaasha Xajka.

Culimada ayaa sheegay in Maalinta Carafo ay tahay maalin Alle uu ka xoreeyo naarta dadka ugu badan, taasina ay ka dhigeyso maalin ka duwan dhammaan maalmaha kale.

Waxaa jira xujey Soomaali ah oo sannadkan nasiib u yeeshay iney taagnaadaan Banka Carafo.

Muuqaalka malaayiinta Muslimiin ah ee isugu yimid halkii uu istaagay Nabiga (SCW), ayaa ah mid xasuusinaya midnimada, cibaadada, iyo barakeynta uu Islaamku leeyahay. Luuqado kala duwan, jinsiyado kala duwan, laakiin qalbi midaysan oo Alle u toosan.

Dhammaan muslimiinta aan Xajka aadin, waxaa lagu booriyay inay soomaan Maalinta Carafo, iyadoo soonka maalintan uu Rasuulku SCW ku sheegay in uu ka cafinayo dembiyada sanadka hore iyo kan danbe.

Maalinta Carafo waa fursad qaaliga ah oo qof walba u furan. Haddii aad xajka joogtid ama gurigaaga joogto, waa maalin aad ugu dhawaan karto Rabbigaaga, aadna ku kasban karto kheyr aan la tirin karin.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*