October 7, 2025

Howlgalka Midowga Africa AUSSOM Oo ka Warbixiyay Ciidamada Burundi ee ka baxay Xawaadley

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa xaqiijiyay in ciidamada Burundi ee ku sugnaa Saldhigga deegaanka Xawaadley laga daadgureeyay kadib daadad culus oo ku dhuftay deegaankaas, waxaa ayna ka hadleen diyaarad Helicopter oo ku dhacday deegaankaasi.

“Dhamaan ciidamada iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa si buuxda loogu daadgureeyay saldhig milatari oo u dhaw goobta, mana jirto wax dhaawac ama khasaare ah oo la soo wariyay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka AUSSOM.

Kareem Adebayo, oo ah Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC), ayaa ammaan u jeediyay ciidamada Burundi ee ka tirsan AUSSOM, isagoo sheegay:

“Waxaan si weyn u bogaadineynaa jawaab-celintii degdegga ahayd iyo diyaar-garowgii ay muujiyeen ciidamada Burundi intii lagu guda jiray howlgalka daadguraynta. Waxaana mar kale xaqiijinaynaa in Midowga Afrika uu garab taagan yahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo yareeyo saameynta ay daadadku ku yeesheen amniga iyo nolosha dadka.” ayaa lagu sii yiri qoraalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*