October 7, 2025

Howlgal khasaare lagu Jebiyay Al-shabaab Oo Ka Dhacay Xadka Hiiraan iyo Sh/ Dhexe

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaya kuwa dada deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. 

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalada oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab si wadajir ah uga fuliyay goobo ay ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. 

Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamadu uga sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanada kala ah Mabaax iyo Tawakal oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo ShabeellahaDhexe. 

Saraakiisha ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey iney ku dileen howlgalada tiro maleeshiyaad ah, islamarkaana sidoo kala ay burburiyeen  fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen kooxdu.

Saraakiisha NISA maysan sheegin inta ay dhan tahay tirada kooxda Al-shabaab ay uga dileen howlgaladaan, waxaana howlgaladaan kusoo beegmayaan, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaanada ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay kooxdu ka waday dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku dooneyso iney dib ugu qabto deegaanadaan oo horay looga xureeyay.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*