October 7, 2025

Howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsana kooxda Al-shabaab

A RAF Reaper UAV (Unmanned Aerial Vehicle) is pictured airborne over Afghanistan during Operation Herrick. It is armed with a full complement of two GBU-12 226kg (500lb) laser-guided bombs and four Lockheed Martin AGM-114P Hellfire air-to-surface missiles. The MQ-9 Reaper is a medium-to-high altitude, long endurance remotely piloted aircraft system. The MQ-9's primary mission is to act as an intelligence, surveillance and reconnaissance (ISR) asset, employing sensors to provide real-time data to commanders and intelligence specialists at all levels.

Ciidanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo garab ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysana ku dilay horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Ciidanka NISA ayaa howgalkan oo ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ku dilay madaxii amniyaadka Maleeshiyaadka Al-shabaab ee gobolka Hiiraan oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cabdullaahi Dalab, kaasoo kooxda looga dhex yaqiinay Caamir.

Horjoogahaan la dilay ayaa la tilmaamay in kooxda uu mudo dheer u qaabilsanaa  qorsheynta iyo fulinta falalka argagixisada ee ka dhaca deegaanada gobolkada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

War kooban oo kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in dilka horjooge Caamir uu yahay guul weyn oo lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab ee dhaqdhaqaaqyadooda sahayda iyo isku xirka kooxda ee bartamaha iyo koonfurta dalka.

Si kastaba ha ahaatee maalmihii u dambeeyay ciidanka NISA ayaa kordhiyay weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Al-Shabaab, taasoo qeyb ka ah dagaalka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso iney dalka kaga xureyso Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*