January 16, 2026

Horjoogihii Al-shabaab ee shirqoolada Muqdisho iyo labada Shabeelle Oo Dhaawac u dhintay

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa ku dhawaaqday in la xaqiijiyay geerida Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sareeya ee dhagaraha iyo shirqoolada ay Al-shabaab ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle.

Dhagar qabe Cabaas Hool ayaa u geeriyooday dhaawacyo culus oo kasoo gaaray howlgal qorsheysan oo ay hore u fuliyeen Ciidanka Qalabka Sida, kuwaas oo sababay in uu ku dhaco xanuunno kale oo ugu dambeyn sababay dhimashadiisa.

Sidoo kale Ninkan ayaa Al-shabaab ku biiray sanadkii 2007, isaga oo si toos ah uga qayb qaatay weerarro arxan-darro ah oo lagu bartilmaameedsaday shacabka Muqdisho. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Khawaarijta ee si gaar ah ugu jiray liiska bartilmaameedka Ciidanka Qalabka Sida iyo hay’adaha amniga qaranka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xasuusinaysaa in aysan jirin meel ay uga baxsadaan cadaaladda iyo ciidamada, horjoogeyaasha Khawaarijta ee caadaystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*