Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Bakool iyo Baay.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay howlgal xalay ka dhacay tuulada Abal oo qiyaastii 21 KM u jirta degmada Xudur in lagu dilay horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Goofoow).
Dhinaca gobolka Baay ciidamada xoogga dalka ayaa isla xalay howlgal ka fuliyay tuulada Waro Mintaaniya oo qiyaas ahaan 14 KM Koonfur bari kaga beegan deegaanka Burjeed ee gobolka Baay.
Howlgalka ka dhacay deegaanka Barujeed ayaa lagu dilay laba xubnood oo la tilmaamay in kooxdu u qaabilsanayeen dhanka abaabulka weerarada argagixisada, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Yaxye (Abuu Khaalid), iyo Shariif (Amiir).
Warsaxafadeedka ayaa lagu bogaadiyay guulaha ciidanka xoogga dalka ay kasoo hoyeen howlgalada Xalay ka kala dhacay deegaanada ka kala tirsan gobolada Baay iyo Bakool ee lagu dilay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Hoos ka akhriso

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag