
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tirada khasaaraha ee ka dhashay hoobiyeyaal ku dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Mid kamid ah Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay Xaafadda Ansalooti ee degmada Xamar Jabab, waxaana uu sababay dhimashada iyo dhaawaca carruur u socotay dugsi qur’aan.
Gabar yar oo kamid aheyd carruurta u socotay dugsiga ayaa ku geeriyoodatay, sida ay qoyskeeda xaqiijiyeen.
Sidoo kale, waxaa jira khasaare dhaawacyo oo soo gaarey dad kale, kuwaasi oo la geeyay xarruumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Weli laamaha Amniga ee gobolka Banaadir kama hadlin hoobiyeyaasha laga maqlay Degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Wayne.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag