October 7, 2025

Hoobiyaal lagu Soo Tuuray Villa Soomaaliya iyo khasaaraha ka dhashay

Wararka ayaa sheegaya in  Tiro Hoobiyeyaal ah lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Somalia iyadoo Saaka ay xiran yihiin Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho.

Tirada Hoobiyeyaasha ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada Villa Somaliya.

Weerarkan  ayaa  la sheegayaa in uu  ka dhashay khasaare kaal duwan, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in lagu garaacay Meel u dhaw Madaxtooyada.

Ilaa iyo seddex Hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafadaha ka agdhow madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jiro khasaare soo gaaray dad shacabka ah.

Dhanka kale Hoobiyeyaasha ayaa qaarkooda ku dhacay degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda, laakin weerarrada noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan waxaa masuuliyaddooda sheegta Al-Shabaab.

Dhanka kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*