January 15, 2026

Hogaamiye Al-Zubaidi oo la ogaaday inuu isku maray Berbera, Muqdisho, una gudbay Abu Dhabi

Telefishinnada Al-Jazeera iyo Al-Carabiya ayaa weriyay in Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee Yemen uu sheegay in hoggaamiyaha Golaha Ku-meelgaarka Koonfureed (STC), Caydaruus Al-Zubaidi, uu u baxsaday Imaaraadka Carabta isaga oo sii maray Somaliland.

Isbahaysiga ayaa sheegay in Al-Zubaidi uu habeen madow kaga baxay magaalada Cadan, isagoo markab ku gaaray dekedda Berbera ee Somaliland.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Al-Zubaidi uu Berbera ka raacay diyaarad nooca xamuulka iyo ciidanka qaadda ah oo lagu magacaabo Ilyushin.

Safarka diyaaradda ayaa si dhow u kormeerayay saraakiil ka socday Dowladda Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay Isbahaysiga Sacuudiga.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay sii martay magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan u gudbin Abu Dhabi.

Isbahaysiga ayaa sheegay in diyaaradda ay dansatay qalabkeedii aqoonsiga marka ay dul mareysay Gacanka Cumaan, kadibna ay dib u shidday wax yar ka hor inta aysan degin.

Ugu dambeyn, diyaaradda ayaa ka degtay Garoonka Diyaaradaha Milatariga ee Al-Reef ee magaalada Abu Dhabi.

Ilaa iyo hadda, Golaha STC iyo Dowladda Imaaraadka Carabta kama aysan hadlin warkan, iyadoo la tilmaamay in arrintan ay sii hurin karto khilaafka u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*