
Sida lagu soo waramaya ayaa sheegaya in Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ay bilaabaya baaritaanka weerarka saacadaha badan qaatay ee dableyda ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ay Maalintii Talaadadii ka gaysteen Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne.

baareyaal ka socda Dowladda Federaalka ay ku wajahan magaalada beledweeyne,
Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa la sheegaya in ay hoggaamin doonto baaritaankan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiishu ay si dhow u baari doonaan gaarigii iyo mooto bajaajtii lagu qarxiyay hotelkaasi ay ka soo gudbeen kontoroolka galbeed ee magaaladaasi iyo in kale.
Waxaa jira tuhun la xiriira in qaraxyadaasi lagu soo diyaariyay magaalada bannaankeeda, balse ay dhici karto in ay gacan kale ka heleen dadka deegaanka oo Al Shabaab u fududeysay inay gudaha u soo galaan magaalada.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa baari doona, Wararka sheegay in qaar ka mid ah dableydii weerartay hotelkaasi ay u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan.
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow, ayaa sheegay in lix nin ay soo weerartay hotelkaasi, isaga oo intaasi ku daray in laba ka mid ah la toogtay, afartii kalena ay is qarxisay,Sida uu Yiri”
Dhinaca kale Dadka qaar ayaa shaki ka muujinaya in xubno ka mid ah raggaasi ay ka baxsadeen waaberigii hore ee Maalintii Arbacada, markaas oo rasaas xoog leh iyo jug xoogan laga maqlay xaafadda Howlwadaag .
Sidoo kale Rag hubeysan oo bannaanka ka yimid ayay wararku sheegayaan in ay weerareen ciidamadii ku hareereysnaa dableydii ka dhex dagaalameysay Qaahira Hotel, taas oo bilowgii dadka ku dhalisay tuhunka ku saabsan in dableydaasi la fakinayo.
Ugu danbeeyntii Beesha galbeedka Beledweyne ee dadkeeda lagu beegsaday hotelkaasi ayaa Codsaday in Dowladda Federaalka ay baaritaan ku sameeyso Weerarkaasi .
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag