
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay Toddobo xubnood oo isugu jiray hoggaamiyaal iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goobtii ay ku sugnaayeen.

Sida la sheegay Howlgalka ayaa la qaaday ka dib markii la helay xog Sirdoon oo xaqiijisay in Kooxdu ay qorsheynayeen falal amniga ka dhan ah oo ay ka sameyn lahaayeen inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad, sida lagu sheegay war saxaafadeedka NISA.
Hay’adda Sirdoonka ee NISA ayaa sheegtay in dagaalamayaal tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay kooxdu halkaa ku lahaayeen.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag