
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku riday dembiile Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, oo hore Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ugu soo oogay dacwad culus, taas oo la xiriirta ka mid ahaanshaha Ururka Agagixisada Al-Shabaab, maalgelinta falal argagixiso iyo dhaqidda lacago sharci darro ah.

Sidoo kale lyadoo la raacayo caddeymahaas, Maxkamaddu waxay ku xukuntay, 15 sano oo xarig ah, Ganaax lacageed oo dhan $20,000, In la baabi’iyo akoonkeeda laguna wareejiyo Dowladda wixii hanti ah ee akoonkeeda ku jira.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagta sharci darrada ah.
Ugu danbeeyntii Waxaa mar kale lagu wargelinay dhammaan cid kasta oo ku hawlan falalkan khatarta ah, in sharciga hortiisa la keeni doono si cadaaladda loo waafajiyo.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag