
Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa sheegay in aysan jirin meel looga harayo maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii uu sheegay inaysan wadin wax diin ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa dhinaciisa ka riixaya hawlgalka la doonayo in AlShabaab lagaga saaro HirShabelle.
Gudoomiyaha oo Sabtidii dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Difaaca Shacabka ee ku sugan deegaanka Miiro ayaa u sheegay in taariikh ay qormeyso,Asigoo Macawiisleyda ku booriyay in ay taariikh wanaagsan ka tagaan.
“Qof walba waxaa gacantiisa ku jira qalinkii uu taariikhdiisa ku qori lahaa. Taariikhdaasi mid xun haddaad qoratid mid xunaa kuu qormee, haddaad mid fiican qoratidna, mid fiicanaa kuu qormeyso.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Waxa kaloo uu sheegay in dadka ku dhaqan deegaanada HirShabelle ay markii hore ku dhimanayeen natiijo aan wanaagsaneyn, oo uu uga la jeedo dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday deegaanadaaasi, balse maanta ay haystaan natiijo wanaagsan oo adduun iyo aakhiraba aysan ku khasaari doonin, taas oo ah dagaalka Al Shabaab.
“Suubanaheenna (NNKH) ayaa yiri haddaad Khawaarij disho janno ayaa galee, haddii ay ku dilaana jannaa galee. Labada natiijaba way fiican tahay.” Ayuu yiri Korneyl Xasan Cali Nuur.
Sidoo kale Korneyl Xasan Cali Nuur ayaa ku nuuxnuuxsaday in Shabaabku ay ka fog yihiin Diinta Alle, waxaana uu dadka deegaanka uga digay inay run moodaan in nimanku ay diin wadaan.
“Khawaarij waxa loo yiri, diinta ayay bannaanka ka yihiin. Sideedaba nimankaasi shacabkii ayaa diiday oo waa kanaa dadkii deegaanka way diidan yihiin, wayna la dirirayaan. Dowladdii ayaa diidan oo annaga waa kanaa juqdaanaa ugu jirnaa, ciidamadii waa naga soo horreeyeen oo waa diriraayeen. Diintii ayaa diidan oo waa taasaa diintii ayay ka baxsan yihiin.” Ayuu yiri Korneyl Shuute oo intaasi ku daray “Sideedaba raggaas meel looga haro ma leh.”
Korneyl Shuute ayaa ku waramaya in shaqadiisii maxkamadda uu ka soo tagey, isagoo qorigiisa watana uu goobta dagaalka u yimid, si uu Shabaab u arko, isagoona dadka deegaanka ee loo abaabulay la dagaalankooda ugu baaqay inay dagaalka galaan.
Korneyl Shuute ayaa gaaray jiidaha dagaalka ee gobolka maalmo uun ka dib, markii Shabaabku ay weeraro ka bilaabeen deegaanada bariga ee gobolkaasi.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag