October 7, 2025

Guddoomiye Muungaab “Lama Aqbalayo in Dib Loo Jeexo Waddooyinka Caasimadda”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taasoo sii marta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Guddomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta jidadka iyo kaabayaasha suurtogaliya isku-socod hagaagsan, asigoona xusay in aan marnaba la aqbali doonin in dib loo jeexo waddooyinka la dhisaayo ee Magaalada Muqdisho, uuna Maamulka Gobolka Banaadir kasoo saari doono habraacyo ay mari doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeelato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee dalalka horumaray.

Dhanka kale Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*