October 7, 2025

Guddoomiye ku xigeenkii Howlaha guud ee G/Banaadir oo xilkii laga qaaday.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan oo uu dhawaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka xafiiska banneeyay Mudane Xasan Maxamed Jimcaale.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Howlaha Guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Guddoomiye Kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka xafiiska howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa dhawaan xilka ka qaaday guddoomiye kuxigeenkii Howlaha Guud ee gobolka Banaadir iyo Xoghayihii gobolka , waxa uuna magacaabay kuwa cusub.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*