January 15, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo La Kulmay Lafta gareen iyo Mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka hadana ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana kulanka goobjoog ahaa Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor).

 

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa dhameystirka heshiis ay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya todobaadkii hore kusoo gaareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, waxaana lagu balamay in laga wada shaqeeyo horumarka, midnimada iyo wadajirka deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale sidii shacabka deegaanadaasi u heli lahaayeen adeegyada dowladeed ee ay xaqa u leeyihiin.

 

Sidoo kale kulanka ayaa guud ahaan inta uu socday waxa ay dhinacyada isla falanqeeyeen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan tan deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray uu dhinacyada uga mahadceliyey xilkasnimadooda iyo in ay u midoobaan ka shaqeynta danaha guud ee deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*