October 7, 2025

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Ka Joojiyay Fadhiga Gollaha Baarlamaanka Xildhibaano….

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saaray ka Joojin  xubno ka tirsan Golaha Shacabka inay ka qeyb galaan fadhiyada Golaha sababo la xiriira amniga  Xubnaha laga joojiyay  ayaa lagu soo qoray waraaqda rasmiga ah ee lifaaqa ku jirta.

Go’aankan ayaa la gaaray ka dib markii la sameeyay qiimeyn dheeraad ah oo ku saabsan xaaladaha amniga iyo saameynta ay ku yeelan karto shaqooyinka Golaha. Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ka codsaday Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha in ay talooyin iyo talaabooyin ku habboon soo jeediyaan, si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Iyadoo laga duulayo xaaladaha amni ee jira, Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga xubnaha Golaha iyo adkeysiga hannaanka shaqo ee Golaha.

Dhanka kale Guddomiyaha adan madooba ayaa lagu eedeeyay in uusan Maareeyn karin Golaha Shacabka ayadoo lagu sheegay in uu yahay nin ay ku shaqeeystaan Madaxweeyne Xasan Iyo Saaxibadiis.

Si kastaba ha ahaatee Gollaha Shacabka ayaa u muuqda Mid shaqadiisa Gabay oo aan ka shaqeeyn Waajibaadkii saarnaa Xildhibaanada.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*