November 19, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Furay Shirka Madasha Garsooreyaasha Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa saaka si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Shirka Madasha Garsooreyaasha Soomaaliyeed, oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirkan oo ah mid saddexdii biloodba mar la qabto, ayaa diiradda lagu saaraya baahiyaha garsooreyaasha, caqabadaha hortaal bahda garsoorka, iyo horumarada laga sameeyay arrimaha mudnaanta leh ee nidaamka cadaaladda dalka.

Waxaa ka qeyb galaya guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka iyo Rafcaanka ee Banaadir, sidoo kale wakiillo ka socda garsoorka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo garsoorayaal kale oo ka kala yimid heerarka kala duwan ee hay’adaha caddaaladda.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa in ay shirka ku soo bandhigaan warbixinno ku saabsan xaaladda garsoorka, qorsheyaasha dib-u-habaynta, iyo talooyin lagu xoojinayo madax-bannaanida iyo hufnaanta hay’adaha cadaaladda dalka.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*