Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku xiray sii deynta maxaabiista ciidamada Somaliland ee ay gacanta ku hayaan, in la gaaro heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaaddii ka dhacday gobolka Sool.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in maxaabiista la sii daayo iyada oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin dagaalladii Laascaanood.
“Ma sii deynayno maxaabiis sabab la’aan. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay ku lug leeyihiin dambiyo culus, waxaana suuragal ah in la horkeeno maxkamad si Loogala xisaabtamo xasuuqii iyo barakacintii loo geystay shacabka Laascaanood,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in maamulkoodu u horey u sii daayay 25 maxbuus, oo uusan garanayn waxa lagu beddeshay sii deyntooda. Wuxuu xusay in maamulka Waqooyi Bari uusan ku faraxsanayn in muddo saddex sano ah maxaabiis la kala haysto, eeddana wuxuu dusha ka saaray Somaliland oo diiddan wada hadal sida uu sheegay.
Hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu doonayo in maamulka Waqooyi Bari ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka maxaabiista Somaliland, si loo abuuro kalsooni.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo bishii July ee sanadkan safar ku tagay Laascaanood, ayaa ku guulaystay inuu kala wareego maamulkii SSC-Khaatumo 25 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland, kuwaas oo lagu sii wareejiyay maamulka Somaliland.
Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in maxaabiista labada dhinac la kala hayo la sii daayo, si loo xoojiyo nabadda iyo dib u heshiisiinta gobolka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag