October 7, 2025

Guddomiye Muungaab oo xil ka qaadis iyo magacaabis cusub saakay sameeyay

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Muungaab, ayaa wada isbedeladda uu ku sameenayo xafiisyada maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka, si uu u dardargeliyo howlaha maamulkiisa horyaalla.

Wareegto uu saakay soo saaray duqa magaalada Muqdisho Muungaab  ayuu xilka uga qaaday Ismaaciil Cali Sheekh Nuur , oo ahaa agaasimaha xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana wareegtada uu soo saaray ku magacaabay Mudane Maxamed Cabdullaahi Abubakar (Dhaaley) in uu noqdo agaasimaha xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Agaasimahan cusub  ayaa loo magacaabay magacaabay  nin qurbojoog ah oo aad looga yaqaan baraha bulshada, waxa uuna inta badan arrimaha siyaasadda iyo bulshada uu wax ka qoro ku baahin jiray baraha bulshada.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Muungaab oo xafiiska jooga wax ka yar bil, ayaa durba bilaabay is beddelo uu ku sameenayo maamulada degmooyinka iyo sidoo kale agaasinka xafiisyada, waxaana la filayaa in halkeeda kasii socdaan magacaabista iyo xil ka qaadista uu Muungaab sameenayo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*